Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka mowliid laqaay waxaa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose.Kaamkan ayaa waxaa ku nool dad danyar ah oo ka soo barakacay gobolka jubada dhexe gaar ahaan deegaanada u dhow magaalada dhoobley kuwaasi oo ay abaarta dhaafisay xoolihi ay dhaqan jireen.
Kaamkaasi ayaa waxaa ka jira xaalada nolol xumo sida caafimaad daro, cuno la,aan iyo arima kale.Hadaba qaar kamid barakacayaasha ku nool kaamka mowliid laqaay oo la hadlay warbaahinta sanguuni ayaa sheegay inaay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha sida xaalado caafimaad daro, hoy la,aan iyo arimo kale oo is biirsaday.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya