Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadkii kasoo barakacay abaarihii ka jiray deegaanada miidow iyo mareerey ee gobolada jubooyinka oo ay sida daran u saameesay abaartii ka dhacday deegaanada jubaland oo hada ku sugan deegaanada luglow istaabuul iyo ee dabeel Wayne ee waqooyiga magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa garab istaag ka helay dowlada jubbaland iyadoo loo fidinayo gargaar deg deg ah sida in la gaarsiyay deeq raashiin ah iyo biyo dhaamin kuwaasoo dhiig joojin looga dhigay sido kale dowlada jubbaland ayaa dadkaas siisay dhulal ay dagaan iyadoona maalin waliba la gaarsiyo gurmadyo kala duwan si loo samata bixiyo.
Gurmadka ay dadkan u fidisay dowladda ayaa ka koobnaa raashinka nuucyadiisa kala duwan biyo dhaamin iyo dhulal ay dagaan ayaa hada waxa ay u baahanyihiin guryo ay ka galaan dabeesha daran ee ka jirta deegaanada ay ku noolyihiin, goobo caafimaad oo lagu dabiibo bukaanada iyo dhamaan wax yaabaha aasaasiga u ah noolasha bini’aadamka.Hadaba dadka Degan deegaanadan ayaa ka warbixiyay xaladaha adag ee ay ku noolyihiin iyagoona sheegay in ay u baahanyihiin gurmad dad dag ah.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya