Barakacayaal ku nool Deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Kismaayo oo madaxda Jubbaland ka codsaday in xaaladooda wax laga qabto.

0
403

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyada oo Marxalad abaar ah oo aad u kulul ay wajaheen dadka ku nool degaanada jubbalanda yaa hadana melaha qaar ka curtay roob horaadkii guga. mudooyiinki dambe waxaa jiray cabashooyin ay mujinayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool degaanada ay abaartu saamaysay kuwaa oo wali la ildaran samayntii xumeed ee ay ku reebtay abaartii ba’need ee badi xolahoodii galaafatay.

Barakacayasha dib u dajinta loogu sameyay inta u dhaxaysa deegaanada goob wayn iyo yoontooy ayaa iyagu noqday kuwa ugu daran ay abaartani samaynta tooska ah ku yeelatay iyagoona kaso barakacay deegaanada kala duwan ee jubaland iyo sido kale dhulalka ka baxsan dawlad goboledka jubbaland.

Degaanka ceel.jaale oo ay ku suganyihiin tiro aad u badan oo barakacayaal ah ayaa warbaahinta lahadlay iyagoo kawarbixiyay xaladooda nololeed iyo waxyabaha ay tahay in deg deg lola soo gaaro si loo samata bixiyo Iyo waliba inay u baahanyihin cafimad deg deg ah iyo biyo ay naftooda ku badbaadiyaan waxayna carabka ku adkeeyeen cabashadooda hortabinta leh inay tahay biyo la’an iyo cafimadka oo aad u liita cuduro goobta ka dilacayo awgeed.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa