Barakacaayaasha kaamka xagar ee Degmada Dhoobley oo sheegay in ay waxbarasho la’aan kajirto kaamka.

0
247

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxbarashada waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan, Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Daruufaha nololeed ee ku gidaaman qaar kamid ah qoysaska soomaaliyeed ayaa sabab u noqotay in caruurtooda aysan wax baran gaar ahaan caruurta ku nool kaamamka barakacayaasha ee ku yaala magaalada dhoobley.

Waalidiinta dhalay caruurta ku jirta kaamka daryeel ee magaalada dhoobley ayaa radio sanguuni u sheegay inaysan haysan goobo ay caruurtooda wax ku bartaan waxayna hay’adaha samafalka iyo maamulka deegaanka ka codsadeen in loo hirgaliyo goobo waxbarsho.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan faah faahinaya