Bandhiga wax soo saarka beeraha Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Magaalada Baladweyne.

0
468

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu soo bandhigayay dalagyada kaso go’a gobolka hiiraan ayaa waxaa kaso qayb galay 14 Iskaashato oo ay ku mideysan yihiin Qaar kamid ah beeralayda magaalada baledwayne.

Mid kasta oo kamid ah 14 Iskaashato ayaa si gaar ah u soo bandhigay wax so saarkooda si ay bulshada uga iibsadaan.Gudomiyaha midowga iskashatoyinka Magaalada Baladweyne Cilmi Cabdullaahi Maxamed ayaa warbaahinta uga warbixiyay in bandhigan ay uga gol leeyihin Sidii indhaha caalamka ay uga so jeedsan lahaayeen Suuqna ay uga heli lahaayeen dalagooda.

Gudomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee gobolka hiiraan Cali Cusmaan Hussein oo ka qaybgalay bandhiga islamarkaana sheegay in maamul ahaan ay door ka qaadan donan Sidii loo garab istaagi lahaa beeralayda looguna dhiiri galin lahaa wax soo saarkooda.

Bandhiga lagu qabtay Magaalada Baledwayne ayaa waxa uu kuso aadayaa xilli beeraha ku yaalo gobolka hiiraan ay wali ka muuqdaan saamaynta ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah Magaalada Baledwayne ee gobolka hiiraan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixinyan ku eegeysa