Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Idaacada Sanguuni ayaa la aas aasay 15 bisha lixaad sanadkii 2020 waxaana hada laga joogaa mudo labo sanadood ah.
Sanguuni ayaa ah idaacad ka hawlgasha deegaanka dhoobley iyo nawaaxigeeda waana idaacad kahadasha arimaha bulshada.
Hadaba si aan wax badan uga ogaano doorka ay idaacadda ka qaadatay horumarinta waxbarashada deegaanka ugu horeyn waxaan wareysi la yeeshay qaar kamid ah Da’yarta wax ka barata goobaha waxbarasho ee Deegaanka Dhoobley.
Dhanka kale ustaad feysal maxamed oo kamid ah Macalimiinta Deegaanka dhoobley ayaa Dhankiisa Idaacada ugu Hambalyay laba Sano guurada ka soo wareegatay Aas Aaska Idaacada waxana uu sido kale xusay in ay Idaacadu Door muuqda ay ka qaatay Baahinta Horumarada waxbarasho ee ka hanaqaaday Magaalada Dhoobley ee Gobolka jubbada Mudadii ay ka shaqeyneysay Deegaanka.
Sikastaba ha ahaatee Idaacada ayaa mudadii labada Sano aheyd ee ay ka shaqeyneysay Deegaanka Door weyn ka qaadatay Horumarinta Waxbarashada iyado sido kale soo bandhigeysay Baahiyaha Waxbarasho ee ka jira Deegaanka si xal waara logu helo.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya