Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah bukaanada ku nool xerooyinka Barakacyaasha ee duleedka Degmada Dhoobley ayaa helay deeq dawooyin ah oo soo gaarsiiyay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo kaa shaneysay mid kamid ah hay’adaha maxalliga ah ee ka hawl gala Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Bukaanadan helay daryeelka caaafimaad ayaa u mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland sida ay u soo gaar siisay Deeqdan Daawada ah iyagona ka codsaday in loo jogteeyo Deeqaha Nocan ah.Cod
Kooxo hawl wadeeno caafimaad oo guur guura kana tirsan xaruumaha caafimaadka ee ku yaala Degmada ayaa booqanayey maalmihii la soo dhaafay barakacayaasha ku nool Degmada Dhoobley iyagoo adeeg caafimaad u fidinayay dhammaan dadka xannuunsan ee ku nool xerooyinkaas.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya