Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Idaacadda Sanguuni ayaa la aas aasay 15 juun sanadkii 2020 waxaana hadda ka soo wareegtay mudo 2 sano ah.
Sanguuni ayaa ah idaacad ka hawlgasha magaaalada dhoobley iyo nawaaxigeeda waana idaacad kahadasha arimaha bulshada oo kamid tahay wacyiga arimaha caafimaadka iyo sido kale barnaamijyo hufan oo la xiriira arimaha bulshada.
Xilli lagu guda jiro dabaal dagga sannad guurada labaad ee idaacadda sanguuni ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin u diray bahda caafimaadka magaalada dhoobley iyagoo ku amaanay idaacadda sida wanaagsan oo ay ugu shaqeyso bulshada ku nool magaalada dhoobley iyo nawaaxigeeda.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay