Baarlamaanka Iran oo ansixiyay xiritaanka Marinka Hormuz.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Baarlamaanka Iran ayaa si rasmi ah u ansixiyay xiritaanka Gacanka Hormuz, maadaama marin muhiim uu yahay, wuxuuna culeys ku yeelan doonaa Aduunka oo dhan ah.

Marinkan waxaa maalintii marta maraakiib sita qiyaastii 19 malyan oo fuusto shidaal ah, wuxuuna ku yaal inta u dhaxeysa Gacanka Beersiya iyo Gacanka Cumaan (Persian Golf iyo Golf of Oman). Marinkan dhinaca waqooyi/galbeed wuxuu u dhacaa dalka Iraan, dhinaca Bari dalka Imaaraadka Carabta, dhinaca Koofurna dalka Cumaan ayaa maamusha.

Marinka Hormouz, ayaa ah marin ciriiri ah oo ku yaalla gobolka waddamada khaliijka, waana mid ka mid ah marinka ugu muhiimsan ee ay maraakiibta dunida maraan.

Waana xuddunta xiisadaha sii kordhay Bariga Dhexe.

Marin Biyoodka Hormuz waa halbawlaha tamarta dunida, haddii uu xirmo ama khalkhal galo, waxaa si toos ah u saameyn doona qiimaha shidaalka iyo xasiloonida dhaqaalaha adduunka.

Go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa laga sugayaa hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran  Ayatollah Cali Khamenei.