Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haweenka S.S.C khaatumo oo gaaray deegaanada Saax-maygaag iyo Sanga-jabiye oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa sheegey in ay ku guuleysteen daminta colaad ka dhacday deegaano ka tirsan Sool iyo Nugaal oo dhawaan halkaasi uu gacan ka hadal ku dhexmarey.
Qaar ka mid ah Haweenka oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa ay sheegen in Colaadii ay damiyeen ka haween ahaana ay rajeynayaan in aanu dib u soo laaban.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya