Australia oo Carruurta ka mamnuucaysa isticmaalka Baraha Bulshada.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda dalka Australia ayaa qorsheynaysa in carruurta laga mamnuuco in ay isticmaalaan baraha bulshada ee ay ka midka yihiin Instagram iyo TikTok.

Tani ayaa timid ka dib markii la ogaaday in adeegsiga baraha bulshada ay saameyn jireed iyo mid maskaxeedba ku leedahay dhallaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Australia,Anthony Albanese ayaa sheegay in xukuumadiisa ay billaabi doonto geeddisocod lagu xaqiijinayo da’da carruurta loo oggolyahay in ay isticmaalaan baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

Waxaa uu xusay in arrintan la guda geli doono bilooyinka nagu soo aaddan.
Intaasi ka dib waxaa la dejinaya xeer dhaqangelaya oo mamnuucaya in carruurta ay adeegsadaan barahan.

Albanese ayaa sheegay in ay ka baaran degayaan in da’da ugu hooseysa ee carruurta loogu oggolaan karo adeegsiga baraha bulshada ay noqoto inta u dhexeysa 14 ilaa 16 sano.

Waxaa uu xusay in waalidiinta ay dhibaatada jirta ee saameysay ubadkooda ay walaac ka muujinayaan.