“Atlético Madrid ayaa ka fiican Barcelona iyo Real Madrid” – Álvaro Morata

0
187

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Weeraryahanka reer Spain iyo kooxda Juventus ee Álvaro Morata ayaa shaaca ka qaaday aragtida uu ka qabo horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedkan.

Álvaro Morata ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisii ​​hore ee Atletico Madrid ay heysato fursado fiican oo ay ugu guulysan karto horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Weeraryahanka reer Spain iyo kooxda Juventus ee Álvaro Morata ayaa si cad u sheegay in wax qabadka Atletico uu ka fiican yahay labada kooxood Barcelona iyo Real Madrid.

Álvaro Morata ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaan rajeynayaa in Atletico Madrid ay ku guuleysan karto horyaalka, waa inay u dagaalamaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen wax walba”.

“Waxay u ciyaarayaan si aad u wanaagsan, waxaanan u arkaa inay ka fiican yihiin kooxaha Real Madrid iyo Barcelona”.

“Rikoorrada way hadlayaan, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka”, ayuu yiri Álvaro Morata.