Arteta: Waanu Sii Wadan Karnaa Qaab ciyaareedka Fiican La’aanta Havertz.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Arteta ayaa ku adkeystay in Arsenal ay la qabsan karto maqnaanshiyaha Kai Havertz inta ka harsan xilli ciyaareedka xitaa iyadoo tababaraha uusan haatan heysan afartiisa dookh ee ugu horreeya.

Havertz ayaa seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray intii uu ku maqnaa Dubai oo uu ku qaatay xerada tababarka cimilada diiran ee kooxda inteeda kale.

Waxa uu ku biiray Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli iyo Bukayo kuwas oo dhaawac uga maqan kooxda.

Arteta ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisu ay wali sii wadi karto qaab ciyaareedka fiican xitaa marka ay dhibaatadu kor u kacdo.

“Koox kasta oo horyaalkan ka tirsan oo lumisa afar ciyaaryahan oo safka hore ah way dhibaatoon doontaa, shaqo fiican ayaan Soo qabanay waanan awoodnaa in aan sii wadi karno qaab ciyaareedka fiican inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”.