Arteta: Sababta Arsenal Ugu Fashilmatay Inay Garaacdo Man City.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in kooxdiisu nasiib darro ku ahayd in gool degdeg ah laga xiro kulankii 1-1 ee ay la galeen Manchester City Axaddii.

Erling Haaland ayaa City u dhaliyay goolka furitaanka daqiiqaddii 9aad, inkastoo Arsenal ay ahayd koox si fiican ku bilaabatay. Goolka barbaraha waxaa Gunners u keenay Gabriel Martinelli waqtigii dhimashada (daqiiqaddii 93aad).

Arteta ayaa shir jaraa’id kadib yiri: “Waxaan ku bilownay si wanaagsan, waxaan ku ciyaarnay badankeen qeybtooda, mana aysan helin fursad ay ku neefsadaan. Laakiin hal dhacdo oo jahwareer ah ayay fursad ku heleen, waxayna isu beddeshay saddex vs laba boos bannaan, halkaasna way nafu dileen. Waxay kaga faa’iideysteen qaab tayeysan.”

Tababaraha reer Spain ayaa intaas ku daray: “Markaas kadib, shan daqiiqo oo shaki ah ayaan galnay, waxaana u baahannay inaan maskax ahaan dib isu dejinno, sababtoo ah goolkaas waxa uu ahaa mid si aan caddaalad ahayn ku yimid marka loo eego sida aan u ciyaarnay. Laakiin markaas kadib, mar kale annagaa maamulaynay ciyaarta.”

Arteta ayaa sheegay in inkastoo Arsenal si buuxda u xakumaysay ciyaarta, haddana ay jirto waxyaabo lagu wanaajin karo:

“Qaabka aan u bixinnay laadadka iyo habkii aan isku abaabulnay difaac ahaan waxay u fududaysay City iney gool dhaliyaan. Laakiin xawaaraha, tayada iyo fulinta – waa inaad qirtaa tayada kooxda kaa soo horjeeda.”