Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Rice Iyo Saka kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

0
67

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Declan Rice iyo Bukayo Saka ay labadooduba dhibaato soo gaadheen kulankii Ay ka badiyeen kooxda Real Madrid champions League.

Gunners ayaa 3-0 ku garaacday kooxda reer Spain iyada oo uga mahad celinaysa laba laad xor ah oo cajiib ah oo uu dhaliyay Rice iyo gool uu dhaliyay xiddiga Merino.

Si kastaba ha ahaatee, labada Rice iyo Saka ayaa lagu qasbay inay garoonka ka baxaan qeybtii labaad ka dib markii ay dhaawacmeen.

Arteta ayaa wax laga weydiiyay darnaanta dhibaatooyinkooda shaqsi ahaaneed shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib. “Haa waxaan u maleynayaa in Rice Dhibaato ka Soo gaadhay Cagta”ayuu Arteta yidhi.

“Bukayo waxa ay jug ka soo gaadhay kadib markii ay isku dheceen xiddig Real Madrid laakiin dhaawaciisu ma ahan mid halis ah”.