“Arsenal Waxay Ku Farxaysaa Kaalinta LABAAD” – Pep Guardiola Oo Ku Digtay Arsene Wenger

0
134

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku dooday, in Arsenal ay ku faraxsanaan doonto haddii ay ku dhamaysato kalainta labaad ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay kooxdiisu 4-1 ku xasuuqday Arbacadii.

Man City oo ay laba ciyaarood baaqi u yihiin ayaa laba dhibcood oo kaliya ka dambaysa Arsenal, iyadoo dhamaadka xilli ciyaareedkan kulan uga hadhsan yihiin kooxaha qaarkood.

Gunners ayaa iska lumisay lix dhibcood saddexdii ciyaarood ee ka horreeyey Man City oo ay barbarro lasoo galeen Liverpool, West Ham iyo Southampton, waxaana hoos usii ridday Man City oo iyaduna ka xoogtay saddex dhibcood, waana afar ciyaarood oo ay Gunners sagaal dhibcood lumisay iyadoo xilli ciyaareedku sii dhamaanayo.

Pep Guardiola oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in Arsenal ay ku faraxsanaan doonto inay ku dhamaysato kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, haddii ay u rumoobi weydo riyadooda ah inay ku guuleystaan horyaalka Premier League ee ay 19ka sannadood ka qatanaayeen.

Sababta uu Guardiola ugu dooday arrintan ayaa waxay tahay, in Gunners ay kusoo laaban doonto tartanka Champions League oo ay ka maqnayd toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ama xilli ciyaareedkii 2015-16.

IIntii uu uu Pep Guardiola joogay Man City oo uu la bilowday xilli ciyaareedkii 2016-17, ayay Arsenal ka maqnayd tartanka Champions League, waxaanu yidhi: “Arsenal waxay mar horeba diyaarsatay booskeeda Champions League. Bal soo weydiiya mulkiileyaasha Arsenal qiimaha ay u leedahay kaddib lix ama toddoba sannadood oo ay ka maqnaayeen Champions League.

“Xilli ciyaareedka dambe, Arsenal waxay ka ciyaari doontaa tartanka kooxaha sare, kooxaha ugu fiican Yurub ayay la tartami doonaan. Iyaga wa u guul cajiib ah.”