Arsenal, PSG, Barcelona Mise Inter? Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Arsenal aysan gaari doonin finalka Champions League, wuxuuna u saadaaliyay Paris Saint-Germain inay ku guuleysato tartanka.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday kooxda difaacanaysa koobka ee Real Madrid iyaga oo kaga badiyay 5/1 cel-celis ahaan labadii kulan ee ay ciyaareen.

Gunners ayaa haatan la ciyaari doonta PSG Semi-final-ka champions League iyada oo kooxda reer France soo reebtay kooxda Aston Villa.

markii uu ka reebay Brest, Liverpool iyo Villa wareega 16-ka, Ferdinand ayaa dareensan in PSG ay haatan tahay kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga Champions League wuxuuna sheegay in kooxda reer France ay ku garaaci doonto Inter finalka xilli ciyaareedkan 31-ka May.

“Waxaan saadaalinayaa Final-ka in ay isku arkaan PSG Iyo Inter Milan, taasi waa waxa aan u malaynayo inay dhici doonto”.

“Waxaana qabaa in PSG ay badin doonto kuna guulaysan doonto koobka”