Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Cristian Mosquera.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa laga yaabaa in ay war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto daafaca dhexe ee Valencia Cristian Mosquera.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta inay ku xoojiso difaaca, waxayna durba u dhaqaaqday inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ee Mosquera.

Inkasta oo Arsenal laga diiday dalabkoodii furitaanka ahaa ee ay ka gudbisay Mosquera Arsenal ayaa weli xiiseyneysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dalab labaad la diyaarinayo.

Waxa la aaminsanyahay in ay Arsenal ku rajo weyntahay in ay heshiis la gaadho Valencia si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Intaa waxaa dheer, warbixinta ayaa sheegtay in Mosquera uu markii hore doonayay inuu heshiis cusub u saxiixo Valencia.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha Gunners ayaa keentay inuu Iska diido in uu heshiis cusub u saxiixo Valencia heshiiska cusub iyada oo la aaminsanyahay in uu xiddigu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arsenal.

Natiijo ahaan, Valencia ayaa laga yaabaa inay hadda aqbasho in ay Iska iibiso xiddiga.