Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa toddoba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 4-2 kusoo karbaashtay Brighton oo ay ku booqatay garoonkeeda Amex Stadium.
Bukayo Saka ayaa isku darsaday gool degdeg ah iyo rikoodh qariib ah oo loo diiwaangeliyey markii uu hoggaanka kooxdiisa u dhiibay ciyaarta oo 66 ilbidhiqsi oo kaliya socota, waxaana uu noqday ciyaartoygii labaad ee goolka ugu degdegga badan u dhaliya Arsenal oo marti ah.
Arsenal ayaa muujisay ciyaar qaangaadh ah oo isku xidhan difaac, khadka dhexe illaa weerarka, iyaga oo iska caabbiyey khataro badan oo kaga imanayay Brighton oo afkeeda hore iyo dhaxdeeduba si adag u shaqaynayeen, laakiin Gunners ay ku dishay inay ka faa’iidaynaysay fursadaha ay hesho.
Gabriel Martinelli iyo Nketiah ayaa laga badbaadiyey fursado goolal noqon karayay ka hor intii aanu Martin Odegaard hoggaanka usii dheeraynin Arsenal ee aanu goolka labaad u keenin.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal la timid gool saddexaad oo degdeg ah oo uu u dhaliyey Nketiah, waxaana daqiiqaddii 47aad uu lugta geliyey kubbad kasoo boodday goolhaye Robert Sanchez oo uu shabaqa ku hubsaday.
Goolkan ayaa waxa qaladkiisa iska lahaa goolhaye Robert Sanchez oo kubbad uu kusoo laaday Gabriel Martinelli ay ka boodday, sidaasna uu kaga faa’iidaystay Nketiah.
Intaa wixii ka dambeeyey kubadda waxa la wareegtay Brighton & Hove Albion, halka Arsenal ay isku ururisay difaaca sidoo kalena ay adeegsanaysay weerar rogaal-celis degdeg ah.
Daqiiqaddii 66aad ayuu xiddiga reer Japan ee Kaoru Mitoma uu gool soo nooleeyey u dhaliyey Brighton. Kubbad uu dhinaca bidix kala yimid ayuu dhinaca midig toogtay, waxaana gaadhi waayey Aaron Ramsdale, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-1.
Gabriel Martinelli ayaa lix daqiiqadood kaga jawaabay, waxaana kubbad uu meel fog uga soo tuuray uu kala cararay badhtamaha garoonka, waxaana uu weydaariyey goolhaye Sanchez oo ay u ahayd habeen xun oo shabaqiisa afar gool taabteen.
Brighton ayaa culayska sii kodhisay, waxaanay la yimaaddeen gool labaad oo uu u dhaliyey Ferguson, iyadoo sidoo kalena gool kale laga diiday markii Mitoma oo shabaqa soo taabtay lagu qaaday offside laga soo hubiyey VAR.
20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ayaa dhibaato badan ku ahaa Arsenal, waxaana ku socday weerar aan kala joogsi lahayn iyadoo goolhaye Ramsdale uu dhawr jeer badbaadiyey kubbdo halis ahaa, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Arsenal.
Arsenal ayaa waxay hoggaanka horyaalka ku qabatay 43 dhibcood halka Manchester City oo kaalinta labaad ku jirtaana ay 36 dhibcood.