Arsenal Oo Saxeexeedii SADDEXAAD Heshay Kaddib Havertz Iyo Rice

0
153

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda ree London ee Arsenal oo u muuqata mida shaqada ugu badan ka qabsanaysa suuqa xagaaga ilaa haatan ayaa saxeexeedii saddexaad ee weyn qarka u saaran durba xilli aysan wali dhammaan bisha June.

Arsenal ayaa dhammaysay oo ku dhawaaqday saxeexa Kai Havertz oo heshiis 65 Milyan oo pound ah ugaga soo biiray kooxda ay magaalada London ku xifaaltamaan ee Chelsea.

Sidoo kale Arsenal ayaa qarka u saaran saxeexa kabtanka West Ham United ee Declan Rice kaas oo waxkasta laga heshiiyay isla markaana 105 Milyan oo pound kaga degaya Emirates Stadium.

Haatan Gunners gaar ahaan agaasimahooda ciyaaraha ee Edu Gaspar oo shaqo badan isku wada ayaa sidoo kale soo dhammeeyay saxeexa daafaca dhexe ee Ajax ee Jurrien Timber sida uu sheegayo saxafiga xog ogaalka u ah kubadda cagta Dutch-ka ee Mike Verweij.

Mike ayaa sheegaya in Arsenal iyo Ajax ku heshiiyeen qiimo 47 Milyan oo euro ah isla markaana la filayo in heshiiska la dhammaystiro maalmaha soo socda.

Timber ayaa Gunners qalinka ugu duugi doona heshiis ilaa 2028 gaadhsiisan isagoo 8 Milyan oo euro mushahar u qaadanaya sanadkii.

Jurrien ayaa ka dheeli kara daafac dhexe iyo daafac midig labadaba isagoo noqon doona mid kamida xiddigaha badan ee Mikel Arteta taatiko ahaan boosaska kala duwan ugu adeegsado