Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixa Weeraryahan Farta Ka Xiran Oo Premier League Ka Ciyaara

0
16

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Yurub maanta oo khamiis ah ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay si rasmi ah wadahadallo ula billowday Crystal Palace si ay u hesho saxiixa xiddiga reer England, Eberechi Eze, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyada oo isku diyaarineysa xilli ciyaareedka 2025/2026.

Eze, oo 27 jir ah, ayaa noqday bartilmaameed muhiim ah oo maamulka Gunners ay diiradda saareen, maadaama kooxda ay wado qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo safkeeda xagaagan.

Sida uu sheegay weriyaha suuqa kala iibsiga, Ben Jacobs, Crystal Palace ayaa dalbaneysa in Arsenal ay bixiso £35 milyan oo ah lacag hormaris ah oo ka mid ah qodobka £60 milyan ee lagu burburin karo qandaraaska Eze, iyadoo sidoo kale la dalbanayo £8 milyan oo dheeraad ah oo ah gunnooyin.

Jacobs ayaa intaa ku daray in Arsenal ay ka fiirsanayso in ay bixiso dalab kale oo ka duwan midka qandaraaska lagu burburin karo, si ay u yareyso qiimaha guud ee heshiiska.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Arsenal ay durba dhamaystirtay lix saxiix xagaagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Kepa Arrizabalaga, Martin Zubimendi, Christian Nørgaard, Yerson Mosquera, Viktor Gyökeres, iyo Noni Madueke — taasoo muujinaysa dadaalka culus ee kooxda lagu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub.