Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Declan Rice ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ee bixi kara hadii ay sii socoto abaarta koobabka ee kooxda.
Guuldaradii usbuucii hore ka soo gaartay semi-finalka Champions League ayaa la macno ah in Gunners ay ku dhameysan doonto xilli ciyaareedka iyagoo madhan sanadkii shanaad oo xiriir ah.
Rice ayaa wax ka bedel ku sameeyay kooxda Mikel Arteta tan iyo markii uu 105 milyan ugu soo biiray sanad ka hor, waxaana uu qeyb weyn ka qaatay in Arsenal ay gaarto afar dhamaadka Champions League iyadoo labo laad xor ah ka dhaliyay kulankii Madrid.
Laakiin Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Rice, oo kula guulaysatey koobka Conference League West Ham ka hor inta uuna ku biirin Arsenal uu noqon doono xiddiga ugu horeeya ee ka tagi doona Arsenal hadii ayna kooxdu koob ku guulaysan mustaqbalka dhaw.
“Waxaan u maleynayaa in Declan uu ku jiro dib u dhac isla markaas jiro farqi”ayuu yidhi Ferdinand.
“Wuxuu rabi lahaa inuu qabto shaqada [koobabka] ka hor inta uusan ku fikirin inuu meel kale aadin waxaan u maleynayaa inuu ka tagi doono Arsenal hadii ayna kooxdu koobab ku guulaysan”.