Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa gashay barbarrihii saddexaad oo xidhiidh ah iyadoo waqti dambe dhibic u dagaallantay kulan ay Southampton oo marti ku ahayd Emirates Stadium ay waqti hore la saaxiibtay shabaqa Arsenal.
Gunners ayaa mar kale lumisay laba dhibcood oo u muuqata inay si buuxda hoggaanka horyaalka ee ay muddada dheer soo haysay ugu wareejinayso Manchester City oo ay uga tanaasulayso ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Southampton ayaa shabaqa Arsenal soo taabatay daqiiqaddii koowaad, waxaana gool degdeg ah kaga nixiyey Carlos Jonas Alcaraz, kaas oo shabaqa ku hubsaday kubbad ka nixiyey taageereyaasha soo camiray garoonka Emirates Stadium.
Arsenal oo barbarro lasoo gashay West Ham iyo Liverpool labadii ciyaarood ee hore, ayaa waxa quus ka dhigay xiddigeedii hore ee Theo Walcott oo daqiiqaddii 14aad gool labaad ka dhaliyey, isla markaana ciyaarta ka dhigay 2-0.
Daqiiqaddii 66aad ayay murugo u bilaabantay Arsenal, waxaana gool madax ahaa ka dhaliyey Duje Caleta-Car oo ciyaarta ka dhigay 3-1, waxaana mar kaliya garoonkii qaylinayay ee ay tobannaanka kun fadhiyeen uu noqday madal murugo oo afka gacanta ay saareen jamaahiirta Arsenal.
Tababare Mikel Arteta ayaa khamaaray oo adeegsaday maahmaahdii ahayd ‘nin qoyan biyo iskama dhawro’, waxaana uu guray difaaca iyo khadka dhexe isaga oo keenay saddex weeraryahan oo kale oo ahaa Trossard, Nketiah iyo Nelson.
Arsenal ayaa gool dib usoo nooleeyey heshay dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana kubbad uu bannaanka ka toogtay dhaliyey Martin Odegaard, halka uu Gabriel Jesus khasaariyey fursad uu goolka hortiisa ka helay oo ay kubaddu ka dallacantay.
Siddeed daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Arsenal ku badbaadsatay dhibic, waxaana goolka barbarraha u dhaliyey Bukayo Saka oo ciyaarta ka dhigay 3-3.
Garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka ayaa uu Jesus kubbad lasoo galay xerada ganaaxa, waana lagu riday balse garsooraha ayaan siinin rikoodhe, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay barbarro 3-3 ah.