(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Arsenal ayaa heshay saddexdeeda dhibac ugu horreysay horyaalka xilli ciyaareedkan kadddib markii ay ka adkaatay kooxda Norwich City, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Norwich City ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 66-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang oo caawin ka helay saaxiibkiis Nicolas Pepe.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Norwich City oo ay ku soo booqatay garoonka Emirates, Arsenal ayaa heshay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.