Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay guul qaali ah ka gaadhay kooxda Liecter City kulan ka tirsanaa premier League.
Arsenal ayaa guusha gaadhay wakhti dambe iyada oo uu xiddiga Mikel Merino guusha ku hogaamiyay kooxdiisa.
Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay Arsenal ku dhibaatootay weerarka kuna fashilantay in ay dhaafto daafaca Leiceter City.
Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin uma suurtagalin arintaas.
Qaybt hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah oo ay ku kala bexeen labada kooxood.
Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 81-aad dhalisay goolka 1-aad waxana madax u dhaliyay xiddiga Mikel Merino kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Isla xiddiga Merino ayaa daqiiqadii 87-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ciyaarta ku hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul wakhti dambe ah iyaga oo haatan kaliya 4 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Liverpool.