Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Bodo/Glimt, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, kulan ka tirsanaa heerka guruubyada ee tartanka UEFA Europa League
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggamineysay kooxda Arsenal.
Daqiiqadii 23-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Eddie Nketiah, waxaana ka caawiyay goolkan Kieran Tierney.
27 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Rob Holding oo ay caawin kara timid Fábio Vieira ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Gunners.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 84-aad Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Fábio Vieira, kaddib markii ay caawin qurux badan kaga timid Gabriel Jesus.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Bodo/Glimt oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa hoggaamineysa Group A oo ay kaga jirto tartankan waxayna leedahay 6 dhibcood.