Arsenal Oo Gacanta Ku Soo Dhigeysa Olivier Giroud Cusub Xilli Mikel Arteta Uu Dalbaday Saxiixyo Badan

0
155
21 ELYE WAHI MHSC FOOTBALL : Montpellier vs Rennes - Ligue 1 Uber Eats - 21/02/2021 FEP/Panoramic PUBLICATIONxNOTxINxFRAxITAxBEL

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa ku laabaneysa wadadoodii hore iyagoo la soo wareegaya xagaagan weeraryahan Faransiis ah madaama ay ku najaxeen Olivier Giroud iyo Alexandre Lacazette.

Weeraryahanka Montpellier oo lagu magacaabo Elye Wahi ayaa soo jiidanaya xiisaha kooxo badan xagaagan, mana ahan wax qarsoon inuu jeclaan lahaa inuu u wareego Emirates Stadium haddii uu fursadaas helo.

Mikel Arteta ayaa doonaya inuu sii wado dib dhiska Gunners xagaagan iyadoo tababaraha reer Spain uu dalbaday in boos walba laga xoojiyo kooxdiisa.

Tababaraha Arsenal ayaa ku rajo weyn inuu keeno ugu yaraan hal daafac xagaagan iyo dhowr xiddigo khadka dhexe ah oo uu ku jiro kabtanka West Ham Declan Rice.

Arteta ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inuu u baahan yahay weeraryahan kale oo uu ku xoojiyo weerarkiisa si ay awood ugu yeeshaan inay u tartamaan koobabka oo dhan xilli ciyaareedka soo socda.

Sidaasi darteed waxay diirada saarayaan Waji oo wacdarro ka dhigay horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Wararka ay sheegayay in Arsenal iyo Tottenham ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya 20 jirkaan, iyadoo madaxweynaha Montpellier Laurent Nicollin uu xaqiijiyay in wakiilka Wahi uu la la hadlayo shan kooxood oo waa weyn, wuxuuna xusay inay ogsoon yihiin in ciyaaryahanka uu jecel yahay Arsenal.