Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo.
Laakiin sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, kooxda Brighton ayaa durbadiiba soo diiday dalabka labaad ee ay Arsenal soo gudbisay.
Arsenal ayaa isku dayi doonta dalab seddexaad inay ka gudbiso Caicedo 48da saacadood ee soo socota waxaana la filayaa in dalabka seddexaad uu noqon doono lacagtii ugu badneyd ee ay ciyaaryahan ku iibsadaan abid.
Kooxda Brighton ayaa sheegtay inay miiska wadahadalka ku soo fariisaneyso kaliya dalab kor u dhaafaya 80 milyan ginni.
Arsenal ayaa hore looga soo diiday dalab 60 milyan ginni ah, waxayna haatan isku diyaarinayaan dalabkoodii seddexaad ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin todobaadkan.