Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa dhulka la dhacday oo dalka Maraykanka cashar ugu dhigtay dhigeeda Chelsea ee ay magaalada London ku xifaaltamaan kulan saaxiibtinimo oo kusoo dhammaaday afar gool oo jawaab la’aan ah.
Kulankaas oo ay Arsenal ku hanatay Florida Cup ayay afarta gool ka kala heshay saxeexa cusub ee Gabriel Jesus oo isagu shabaqa daris la noqday, Bukayo Saka, Martin Odegaard iyo Sambi Lokonga.
Goolka ugu horreeya ee Gabriel Jesus ayaa yimid daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta, baas uu qalday Chalobah ayuu Xhaka oo kubadda dhexda ku helay deg-deg ugu furay Jesus oo afka hore kaligii jooga iyadoo 25 sano jirka ree Brazil kubad joog sarre ah ka dulqaaday goolhaye Mendy.
Goolka saddexaad ee Saka ayuu da’yarka ree England laba badbaado oo uu sameeyay goolhaye Mendy markii saddexaad kubadda soo booday oo uu meel dhaw ku helay ka dhaliyay.
Ugu dambayn goolka afraad ee daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka kusoo xidhay Lokonga ayuu da’yarka Belgian-ka ahi madax qurux badan gees kaga dhaliyay goolka Blues kaddib karoos uu ka helay Cedric Soares.