Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Gool soo daahay oo uu dhaliyay Eddie Nketiah ayaa Arsenal siisay 3 dhibcood taas oo keentay in ay ku sii dhawaadaan koobka Premier Leaque-ga iyada oo si xamaasad leh ula ciyaartay Manchester United.
Gunners iyo Red Devils ayaa min 3 dhibcood kala qaatay xilli ciyaareedkan iyadoo gool uu Rashford hogaanka ugu dhiibay uu barbareeyay Nketiah ka hor inta uusan Saka hogaanka u dhiibin Arsenal basle waxaa barbareeyay Martinez laakiin daqiiqadii 90aad Nkitiah ayaa goolka guusha u saxiixay.
Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh xaqiiqdiina iyaga ayaa ka caaboonaa Manchester United iyagoo helay 11 darbo qeybtii hore halka United ay heshay 2, sidoo kale Gunners 22 jeer ayay kubada ku taabatay xerada ganaaxa United halka Red Devils ay kaliya shan jeer kubada ku taabteen xerada ganaaxa Arsenal.
Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-2 oo ay Arsenal kaga aargoosatay Manchester United.