Arne Slot oo Ka Warbixiyay Xaalada Conor Bradley

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arne Slot ayaa sugaya baaritaan dheeri ah oo ku saabsan dhaawaca soo gaaray Conor Bradley intii lagu guda jiray kulankii ay Liverpool barbaraha 2-2 la gashay Aston Villa habeenkii Arbacada.

Daafaca dambeedka midig ayaa laga saaray daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta Villa Park, isagoo xilli hore ciyaarta soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta isagoo bedel kusoo galay.

Bradley hadda waxaa qiimeyn doona kooxda caafimaadka laakiin Slot ma filayo inuu u yeeri karo adeeggiisa kulamada soo socda ee Manchester City iyo Newcastle United.

Tababaraha ayaa u sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kadib: “Way adagtahay laakiin xoogaa ayuu dareemay markii uu ordayay, waxa uu isku dayay inuu sii wato laakiin waa uu baxay”

“Waqti walba oo dhaawacyo ah, waxaan had iyo jeer iraahdaa haddii ciyaaryahan uu doonayo inuu boxo maaha calaamad rajo leh”

“Waxay u badan tahay inay horseedi doonto xaqiiqda ah in boqolkiiba 99.9 aanu diyaar u ahayn City, mana filayo inuu isna wajaho Newcastle.