Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka hadlay guushii 3–2 ee ay kooxdiisu ka gaartay Atlético Madrid kulankii furitaanka wareegga kooxaha ee Champions League oo ka dhacay Anfield.
Isagoo warbaahinta la hadlay kadib ciyaarta ayuu yiri:
Haddii aad rabto inaad garaacdo koox sida Atlético Madrid oo leh maskax ciyaareed cajiib ah, waa inaad ku garaacdaa hubkooda – maskaxda, taas ayaana maanta mar kale muujinnay. Waxaan caddeynay awooddeena inaan kaga adkaan karno maskax ahaan.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxaan u maleynayaa inaan ciyaarta nafteena uga dhigi lahayn mid fudud. Qeybtii hore markaan 2–0 hoggaanka ku qabanay, waxaan haysanay fursado kale oo aan ku dhalin karno goolka saddexaad. Qeybtii labaad markay 2–1 noqotay, birta ayaan garaacnay, dhowr jeerna waan u dhaweyn inaan dhallino gool. Haddii farqiga gool keliya yahay, wax walba way dhici karaan, waana dhacday. Kubadda si yar ayay u leexatay, balse gool ayaa naga dhashay. Si kastaba, mar kale waxaan muujinnay maskax adag. Tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay si xoog leh ayaan isu muujinnay. ugu dambeyna waxaan dhalinay gool noo horseeday natiijo wax ku ool ah.”
Isagoo soo gabagabeynaya hadalkiisa ayuu yidhi:
“Waxaan haysanaa laba ciyaaryahan oo heer sare ah, booska weeraryahanka dhexe, waxaa na adeegsan doonnaa inta ay nala joogaan.”