Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-36 sannadood ka dib Lionel Messi ayaa maray wadadii Diego Maradona isagoo Argentina u qaaday Koobka Adduunka ka dib markii ay rigoore 4-2 uga badiyeen xulka France ciyaartii final ee ugu fiicneyd abid oo 120 daqiiqo la isla dhaafi waayay barbaro 3-3 ah.
Argentina ayaa 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta ilaa daqiiqadii 78aad ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Lionel Messi iyo Angel di Maria, laakiin waxaa ciyaarta daba rogay Kylian Mbappe oo 92 ilbiriqsi gudaheed ku barbareeyay Argentina isagoo dhaliyay rigoore iyo gool cajiib ah.
Waxay taasi keentay 30 daqiiqo oo dheeri ah la isla aado, iyadoo markaas uu daqiiqadii 109aad hogaanka ku soo celiyay Argentina Lionel Messi laakiin daqiiqadii 118aad waxaa mar kale barbareeyay Kylian Mbappe oo seddexleydiisa dhameystirtay.
Xulka Argentina si dardar leh ayay ciyaarta ku soo gashay waxayna durbadiiba bartilmaameed ka dhigteen garabka bidix ee Faransiiska oo ay saarnaayeen Kounde iyo Ousmane Dembele taasoo sidoo kale sababtay in Kylian Mbappe uu garabka midig ku cidloobo.
Argentina ayaa xeeladooda ku faa’iday markii daqiiqadii 21aad uu Ousmane Dembele xerada ganaaxa ku jalaafeeyay Angel di Maria iyadoo garsoraha uusan ka labalabeynin inay rigoore tahay.
Sidoo kale Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid ee gool ka dhaliya wareeg kasta oo ka mid ah Koobka Adduunka laga soo bilaabo wareega guruubyada ilaa iyo ciyaarta kama danbeysta ah. Ma jiro ciyaaryahan waligiis sidaas sameeyay.
Argentina ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 36aad ka dib markii ay dhaliyeen gool lagu tilmaamay inuu yahay goolka finalka Koobka Adduunka ka dib markii ay baasas qurux badan isla heleen ka hor inta uusan McCalister kubada u baasin Angel di Maria oo dabamariyay goolhaye Hugo Lloris.
Tababaraha Faransiiska oo u adkeysan waayay sida xulkiisa loo jiid-jiidayo ayaa sameeyay labo bedel iyadoo aan la gaarin waqtigii nasashada, wuxuuna soo bixiyay Olivier Giroud oo ciyaarta dulsaar ku ahaa iyo Ousmane Dembele oo ahaa xiddigii ugu xumaa garoonka isagoo ku bedelay Marcus Thuram iyo Kolo Muani.
Qeybta hore waxaa lagu kala nastay iyadoo Faransiiska uusan hal mar xitaa kubad ku dhex taabanin goolka Argentina islamarkaana aanan helin xitaa hal darbo iyadoo Argentina ay si raaxo leh 2-0 ciyaarta ugu hogaamineysay.
Qeybtii labaad ilaa laga gaaro daqiiqadii 65aad waxba ciyaarta iska bedelinArgentina ayaa weli koontaroolka heysay laakiin Faransiiska ugu yaraan waa ay dhaameen sidii ay ahaayeen qeybtii hore ee ciyaarta.
Xulka tababare Didier Deschamps waxay ku qaadatay daqiiqadii 68aad ee ciyaarta inay helaan darbadoodii ugu horeysay taasoo ah wax lama filaan ah marka loo eego in ciyaarta ay aheyd finalka Koobka Adduunka.
Laakiin ciyaarta ayaa waali noqotay wixii ka bilowday daqiqiadii 78aad ka dib markii rigoore loo dhigay Faransiiska iyadoo Otamendi uu xerada ganaaxa ku jalaafeeyay Kolo Muani, waxaana rigoorada u soo istaagay Kylian Mbappe oo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Emi Martinez.
92 Ilbiriqsi ka dib markii Mbappe uu gool u soo celiyay Faransiiska, Kingsley Coman ayaa kubad ka qaatay Lionel Messi, taasoo bilow u noqotay weerarka Faransiiska. Ugu danbeyn Marcus Thuram ayaa kubada u dhigay Kylian Mbappe oo si cajiib ah shabaqa u dhex dhigay islamarkaana u barbareeyay ciyaarta xulka Faransiiska.
Wixii goolasha ka danbeeyay Faransiiska ayaa koontaroolka ciyaarta iyo weerarkeedaba la wareegay iyagoo bilaabay inay goolka guusha raadiyaan waxayna weeraro isdaba joog ah ku hayeen goolka Argentina.
Daqiiqadii 97aad Hugo Lloris ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah ka dib markii uu bixiyay darbo gantaal aheyd oo ka timid Lionel Messi.
Waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta waxay ku dhamaatay barbar 2-2 ah iyadoo la isla aaday 30ka daqiiqo ee dheeriga ah.
Daqiiqadii 104aad Upamecano ayaa isku dhigay kubad gool loo fishay oo ka timid Lautaro Martinez ka dib kubad baas ah uu soo dhisay Lionel Messi.
Daqiiqadii 109aad xiddiga todoba jeer ku guuleystay Ballon d’Or Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay Argentina ka dib markii Hugo Lloris uu soo bixiyay darbo ka timid Lautaro Martinez iyadoo Messi uu kubada dhaafiyay xariiqda goosha.
France ayaa ku dacwootay in goolka uu offisde ahaa laakiin VAR ayaa muujisay in Raphael Varane uu offside-ka ka saaray Lautaro Martinez sidaasna lagu ogolaaday goolka.
Laakiin wiilka dahabiga Kylian Mbappe ayaa diiday inay ciyaarta sidaas ku dhamaato, wuxuuna u barbareeyay France daqiiqadii 117 ka dib markii rigoore loo dhigay isagoo dhan qaldan u diray goolhaye Emi Martinez ciyaartana ka dhigay barbaro 3-3 ah.
Kylian Mbappe ayaa seddexleey ka dhaliyay Koobka Adduunka wuxuu sidoo kalena barbareeyay rikoodhka Messi iyo Pele iyagoo leh min 12 gool oo Koob Adduun ah.
Rigoorada waxay ku timid markii uu Montiel xusulka ku cusub kubad darbo aheyd uu Kylian Mbappe goolka u qaaday.
Waqtigii dhimashada ciyaarta Kolo Muani ayaa helay kubad gool loo fishay laakiin waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay goolhaye Emi Martinez. 120kii daqiiqo ee ciyaarta waxay ku dhamaatay barbaro 3-3 ah. Waxaana la isla aaday rigoore.
Argentina ayaa rigoorada ku badisay 4-2 ka dib markii France ay rigoorada ka qasaariyeen Coman iyo Tchouameni.
Rigoorada France Waxaa Dhaliyay: Kylian Mbappe, Kolo Muani
France waxaa laga qabtay ama qasaariyay: Coman, Tchouameni
Rigoorada Argentina Waxaa Dhaliyay:Lionel Messi, Paulo Dybala, Paredes, Molina