Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Argentina ayaa iska xaadiriyey finalka Koobka Adduunka iyaga oo xasuuq u geystay Croatia oo ay ku karbaasheen 3-0 kulan uu Lionel Messi laba taariikhood ka sameeyey oo ay hal dhinac sii qabsadeen Koobka Adduunka.
Ciyaarta oo ay si walba ugu gacan sarraysay Argentina ayaa kubbad halis ahayd oo uu Fernandez ku toogtay goolka waxa dirqi ku badbaadiyey goolhaye Livakovic, waxaanay kubaddaasi ahayd fursaddii ugu horreysay ee labada xul kala heleen.
Daqiiqaddii 32aad ayaa uu Julian Alvarez kubbad la gelay xerada ganaaxa, waxaana uu ka dul-qaaday goolhaye Livakovic oo lugta usii dhigay, waxaana lagu dhigay rikoodhe aanu shaki ku jirin oo markiiba uu garsooruhu si kalsooni leh u qabtay.
Lionel Messi ayaa gool u beddelay rikoodhahaas, waxaana uu darbad xooggan weydaariyey Livakovic oo uu la socday inuu ku fiican yahay rikoodheyaasha. Inkasta oo laga raacay haddana Lionel Messi ayaa sare uga qaaday kubadda oo shabaqa ku hubsaday.
TAARIIKH 1: Messi ayaa jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xulka qaranka Argentina ee Koobka Adduunka ee uu hore u haystay Gabriel Batistuta, waxaanu rikoodhkaasi ahaa toban gool oo uu Koobka Adduunka ka dhaliyey. Lionel Messi ayaa uu goolkani ahaa midkiisii 11aad ee uu Koobka Adduunka ka dhaliyo, waxaanu sidaas u noqday ciyaartoyga reer Argentina ee ugu goolasha badan Koobka Adduunka.
TAARIIKH 2: Tan iyo sannadkii 1966kii, Lionel Messi ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee goolal ka dhaliya ama caawiya kulamadii ugu badnaa ee Koobka Adduunka ah. 13 ciyaarood oo kala duwan ayuu goolal ka dhaliyey ama caawiyey. Waxa kaliya oo sidaa sameeyey Ronaldo Nazario.
Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Julian Alavarez gool kale u dhaliyey Argentina, kaddib markii uu kubbad uu Messi badhtamaha garoonka ugu dhiibay uu la galay xerada ganaaxa, taas oo ay kasoo difaaceen difaacyahannada Croatia balse mar kale lugta u gashay oo uu ka dul-qaaday goolhaye Livakovic, sidaas ayaanu ciyaarta kaga dhigay 2-0 daqiiqaddii 39aad.
Lionel Messi ayaa si weyn ula dabbaal-degay Julian Alavez oo goolkiisani ahaa midkii saddexaad ee uu ka dhaliyo Koobka Adduunka ee ka socda Qatar.
Qaybta labaad markii lagu soo noqday ayay Argentina sii wadatay inay ku raaxaysato ciyaartoy oo ay ku xoogganayd khadka dhexe, isla markaana weerarkeedu si fudud u burburinayeen difaaca.
Lionel Messi ayaa kubbad uu dhinaca bidix kala galay xerada ganaaxa waxa uu ula dhowaaday goolka uu waardiyaha ka ahaa Livakovic, waxaana uu ku toogtay darbad xooggan oo uu dhigay meel birta agteeda ah, hase yeeshee goolhayaha oo la socday ayaa badbaadiyey.
Julian Alvarez ayaa gool saddexaad oo qurux badnaa u dhaliyey Argentina daqiiqaddii 68aad. Lionel Messi ayaa mucjisadiisii lasoo baxay oo difaacyahannada Croatia kusoo burburiyey dhinaca midig, waxaana uu burburiyey Gvardiol oo daawanayay waxa uu Messi samaynayo.
TAARIIKH: Julian Alvarez ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee reer Argentina ah ee afar gool ka dhaliya hal koob adduun, waxaana sidaa hore u sameeyey Gonzalo Higuain sannadkii 2010 ee Koobka Adduunka lagu qabtay Koonfur Afrika.
Argentina ayaa u qalmaysay inay hesho goolal kale, halka Croatia ay is-dhiibtay oo uu ka baxay Luka Modric oo lagaga itaal roonaaday khadka dhexe.
Argentina ayay guushu ku raacday 3-0, waxaanay u gudbeen Koobka Adduunka oo ay la ciyaari doonaan Faransiiska ama Morocco.
Waa finalkii labaad ee ay Argentina tagto siddeeddii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanay sidan oo kale finalka u yimaaddeen 2014 oo uu Jarmalku ka qaaday Koobka. Sidoo kale, 1990kii ayay yimaaddeen Finalka oo uu mar kale Jarmalku koobka ka qaaday, halka sannadkii 1986kii uu Diego Maradona u qaaday Argentina halka Koobka Adduunka ee ay haystaan.