Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda diyaar garow ay wadan ardeyda sannadkan ka qeyb galeysa imtixaanka qaranka ee dugsiga sare ee ay qaado wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kan dugsiga dhexe ee ay qaado wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle kadib markii dhawaan dib loo furay iskuullada magaalada oo ay sameysay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.
Goobaha waxbarashada ee Magaalada Baladweyn oo xirnaa muddo ku dhow 24 maalmood ayaa hadda dib u bilaabay cashiradii la siin jiray ardeyda.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya