Ardayda Jaamacadda Kismaayo oo deeq Raashiin ah gaarsiiyay dad danyar ah.

0
218

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Jamaacadda kismaayo waa mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaallo Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxay soo saartay Arday badan oo bartay kuliyadaha kala duwan ee ka koobantahay Jaamacadaasi.

Ardayda barata kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda kismaayo ayaa bilaaabay Ol’ole caawinta bulshada danyarta ah,waxaana deeq Raashin ah ay gaarsiiyeen Qoysas danyar ah oo ku nool magaalada kismaayo.

Barnaamijka oo ay ugu magac dareen Zakaatul fidri iyo sadaqo loga farxinayo dadka tabaalaysan oo aan haysan wax ay ku ciidaan ama wax ay ku afuraan.

Gudomiyaha ardayda jamacada Kisaamyo gaar ahaan kulyada shareecada iyo qaanunka Aar Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay deeqda iyo cida ay ka timid.

Dhanka kale gudomiyaha Jamaacadda kismaayo Cabdirisaq Ismacil Maxamad ayaa ku amaanay Ardayda kulyada so qaban qaabisay howshaasi qayriga.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa ka warameysa