Arday dhammaysay machadka Salaaxudiin ee Buurdhuubo oo loo qabtay xaflad qalin jabin ah.

0
97

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad si heersara ah loo soo agaasimay islamarkaana daarned qalinjabinta Arday dhameysay Machadka Salaaxudiin ee Degmada Buurdhuubo ayaa ka qabsoontay Gudaha Machadka.

Ardeydan oo gaareysa ilaa 17 Arday ayaa dhameyay Kitaabada Diiniga ah qeybahooda kala duwan iyadoo la gudoonsiiyay Shahaadada Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada DFS taaso ka turjumeysa heerkooda Waxbarasho.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxa Waxbarashada Degmada Maamulka Machadka Waalidiin Maamulka iyo sido kale Marti Sharaf kale.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya