Arda Güler oo Hanjabaad U Diray Barcelona Ka Hor Kulanka El-Clasico.

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Real Madrid ee Arda Güler ayaa ka hadlay kulanka soo socda ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona isaga oo xusay in kooxdu ay ku soo bixin Doonto dhamaan awoodooda kulanka El Clásico.

Real Madrid ayaa guul 3-2 ah ka gaartay Celta Vigo fiidnimadii Axada kulan ka tirsan wareegii 34-aad ee horyaalka iyada oo xiddiga reer Turkey dhaliyay gool mid kalena caawiye ka joqday.

Real Madrid ayaa fiidnimada Axada ee soo socota sugaysa kulan xasaasi ah oo ay la ciyaari doonto kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona kulan ka tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka.

Arda Güler oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aanu si fiican ugu bilaabanay kulankii Celta Vigo waxana aanu ku hogaaminay 3/0 laakiin waxa ay ahayd in aan si fiican ciyaarta u dhamaysano”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Cawinta aan u fidiyay Mbappé? Ma ahayn wax cajiib ah si la mid ah Mbappé oo ah dhaq dhaqaaqiisii ​​fiicnaa ee dhanka weerarka iyo orodkii qaraxa ahaa.”

Isagoo ka hadlaya kulanka Barcelona ayuu yidhi: “Taageerayaashu waxay maanta i siiyeen awood badan, waxaanan ku bixi doonaa dhamaan awoodeena kulanka El Clásico si aanu u guulaysano”.