Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horumarka ay ku talaabsanayso technolojiyada maalinba maalinka ka danbeeya ayaa ah mid xawli ku socda iyado wadamada horumaray ay xooga saaran Casriyenta iyo Horumarinta technologyda.
Soomaalida ayaa lagu tiriyaa dadyowga Dunida dhanka ganacsiga ugu firfircoon balse waxaa la sheegaa in loogaga horeeyo dhanka tiknoolajiyada maadama ganacsiga iyo tiknoolajiyadu ay kala maarmin iyadoo ay tahay waxaa inta badan ganacsiga horumariyo.
Hadaba warbixintan waxaan ku egaynaa muhimada ay leedahay barshada ganacsiga iyo tiknoolajiyada
wakhtiyadii hore ganacsigu wuxu ahaa mid hal magaalo ama wadan ku kooban iyadoo ay jirtay caqabado iska war hayneed oo ay xadidnayd awooda lagu ogaanayo adeega aad bixiso amaba Alaabaha aad iibiso, imikase waxa aad u fudud in qaarad ilaa qaarad aad isku sharixi karto waxa aad tahey iyo waxaad soo kordhisayba. iyaado taasi ay fudeydiisay Tiknolajiyada Casriga ah.
Qaar kamid ah aqqonyahanada ku nool Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa kawarbixiyay muhimada ay ledahay barshada ganacsiga iyo tiknoolajiyada iyo doorka Tiknolajiyada caarigi ihi ay ka qaadato Horumarinta Ganacsiga iyo kobaca Dhaqaale ee Dunida.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa