Aqoonyahanada Dhoobley oo Ganacsatada ugu baaqay Horumarinta Maalgashiga Degmada.

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa wayadii danbe ku soo badanayay Ganacsiyada sida Casriga ah loo qalabeeyay Islamarkaana ah mid la jaanqaadi kara Ganacsiyada Wadamada Horumaray.

Ganacsiga ayaa ah waxa kaliya ee Soomaaliya kaga duwanaatay dalalkii kale ee burburay, waxaana ganacstada Soomaaliyeed qaarkood door muhiima ka qateen qeybaha kale duwan ee ganacsiga Sido kale ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Degmada Dhoobley ayaa waxay ka qeyb qaataan kobaca dhaqaale ee dalka.

Aqoonyahanada ku nool Degmada Dhoobley ayaan kawareysanay qaabka ay ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Degmada Dhoobley u maalgashan karaan Degmada.

Dadka Soomaaliyeed waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin dad ku fiican hal-abuurka ganacsiga Waxaa xusid mudan in markii ay burburtay Dowladdii dhexe ay dhammaan Hay’adahii Dowladda oo ay ka mid ahaayeen kuwa Waxbarashada,Caafimaadka iyo adeegyada kala duwan ee bulshada ay meesha ka bexeen.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa