Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Khadar cabdu qadir cabdullahi aqonyahan dalka gudihisa ku diyariyay cilmiga beeraha ayaa tijaabadisii ugu horesay ee wax soo saarka beeraha kuso bandhigay magaalada baydhabo. waxaa uu isticmaalay Cows iyo galley aan lagu beerin ciida ee lo isticmalay xirfad ay ku dheehantahay aqoon iyo in bulshada la dareensiyo in aqoon yahanku daryeelka uu fududeenka karo markii ay timaado wax soo saarka.
Khadar Waxa uu kamid yahay dhalinyaro dhawaan kaso aflaxay jamaacada camuud ee magaalada Borama waxa uu si iskisa isu xilqaamay sidii uu u badbaadin lahaa xoolaha isagoo si deg deg ah ku beraya cows iyo galley muddo toddobaad kadibna loogu deeqo xoolo dhaqatada duleedka baydhabo.
Iyadoo aan jirin cid ka taagerta hase ahaatee waxa uu sameyay shirkad uu isaga madax ka yahay oo lagu magacaabo shirkada so saarta abuurka iyo calafka xolaha ee daryeel.
Khada abdu qadir abdullahi oo la hadlay warbaahinta ayaa shegay sababaha ku kalifay in uu xilligan tijabiyo waxyabihii uu soo bartay.Waa dhif iyo naadir in aqoonayahan dalka gudihisa wax ku bartay uu is maalgaliyo kadibna waxyabihii uu bartay uu bulshada uga fai’deeyo.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa