Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehlinayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta daah-furay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo diiradda lagu saarayo Tijaabooyinka Maaliyadeed ee qorshaha Isbeddelka Cimilada Soomaaliya iyo hirgelinta sanduuqa dhaqaalaha ee Cimilada Qaranka.
Labada Wasiir oo furitaanka shirka khudbado ka jiidayay ayaa muujiyay doorka muhiim ka ah ee Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay qorshaha iyo ka hortagidda saameynya xiliyada isbaddelka cimilada, Wasiir Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa diiradda ku saaray hadal jeedintiisii furitaanka aqoon-is-weydaarsiga muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si wax ku ool ah u hesho dhaqaalaha wax looga qabanayo isbaddelka cimilada, isagoo tilmaamay in arrintani ay tahay mudnaan istiraatiijiyadeed oo dalka u dagsan.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in looga baahan yahay ka qeyb galayaasha kulanka in ay soo saaraan natiijo Dowladda Soomaaliya u horseedi karta guul iyo ka hartagidda aafooyinka dabiiciha .
Aqoon-is-weydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeyn doonaa horumarinta qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda xal u heliyadda saameeynta dhaqaalaha ee isbaddelka cimilada Soomaaliya, iyadoo hannaanka uu hormuud ka yahay Xafiiska Sanduuqa Waran ee Dhaqaalaha Isbeddelka Cimilada.