Antonio Guterres oo Mar Labaad Loo Doortay Xoghayaha Guud ee QM

0
207

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Golaha Ammaanka ayaa isku raacay Talaadadii in Antonio Guterres uu mar labaad noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay shanta sano ee soo socota.

Danjiraha Estonia ee Qaramada Midoobay, Sven Jürgenson ahna guddoomiyaha golaha ee bishan June ayaa shaaciyay in goluhu isku raacay in Guterres uu sii hoggaamiyo Qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sheegay in Guterres uu muujiyay dadaal xoog leh  iyo karti dheeri ah oo u suuragelisay in mar labaad uu xafiiska xoghayaha sii fadhiyo.

Muddo xileedka cusub ee mudane Antonio Guterres ayaa ka bilaabanaysa 1 January 2022 waxayna ku egtahay 31 December 2026.

Golaha amaanka ayaa lagu wadaa in 18 -ka bishan uu yeesho kulan ay arrintan ku shaacinayaan iyada oo ay xusid mudantahay in aanay jirin dowlad keentay musharrax la baratamo Guterres.

Mudane Guterres ayaa dhankiisa xubnaha Golaha Ammaanka uga mahadceliyay sida ay u taageereen sidoo kalena waxa uu dalkiisa Portugal uga mahadceliyay in ay markale u sharraxeen kursigaas.

Guterres oo 72 jir ah ayaa noqday xoghayihii 9-aad ee Qaramada Midoobay 2017 isaga oo ka horna soo shaqeeyay Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay sidoo kalena dalkiisa ka soo noqday ra’iisul wasaare.