Antonio Conte oo ka jawaabay wararka la xiriirinaya inuu u wareegayo kooxda Juventus

0
169

(Milano) 04 Agoosto 2020. Tababare Antonio Conte ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu xiriir la sameeyay maamulka Juventus, oo ay hogaaminayaan Fabio Paratici iyo Pavel Nedvěd, sababa la xiriira inuu ku laabto hoggaaminta kooxda Bianconeri.

Wargeyska “la Repubblica” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Antonio Conte uu la xiriiray maamulka kooxda Juventus, si uu dib ugu laabto Bianconeri, gaar ahaan markii ay soo baxeen wararkii la xiriirinayay inuu ka tagayo naadiga Inter Milan.

“Waan dafirayaa jiritaanka iyo qaab kasta oo xiriir ah oo igala dhexeeya aniga iyo maamulka Juventus ama ciyaartoyda halkaas joogta, mana weydiinin xaalada Maurizio Sarri”.

“Waxaan dacweyn doonaa wargeyskaas iyo suxufigii ka hadlay warkan been abuurka ah ee aniga igu saabsan, sababtoo ah waxba kama sameynin waxa uu sheegay, waxayna halkan ka abuurtay muran iyo dhibaato badan”.

“Waxaan heystaa mashruuc igaala dhexeeya kooxda Inter Milan oo soconaya muddo seddex sano ah, sannadkii ugu horreeyay wuxuu ku dhammaaday guul iyo guul-darrooyin badan, waxaana eeganayaa waxa dhici doono labada xilli ciyaareed ee soo socota”.

“Waan dagaalami doonaa, waxaana ku bixin doonaa wax walba oo ay awoodeydu tahay, waxaana doonayaa inaan ku soo bandhigo waxa ugu fiican ee aan awoodo kooxda Inter Milan”.

Gool FM.