Andre Onana Waa Midkii Ugu Xumaa Taariikhda Man United.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa uu dagaal ka dhex bilowday xiddiga Lyon ee Nemanja Matic ahna xiddigii hore ee kooxda Man United iyo Goolhayaha haatan ee Man United Andre Onana ka hor kulan Europa League.

Man United ayaa la ciyaari doonta Lyon kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Andre ayaa bilaabay dagaalka afka ah ka Hor Kulanka isaga sheegay in ay Man United Ka fiicantahay dhigeeda Lyon ka Hor Kulanka.

Matic oo haatan u jawaabaya ayaa yidhi”Onana ayaa yidhi In ay aad nooga fiicanyihiin? Marka aad tahay mid ka mid ah Goolhayahayaashii ugu xumaa ee Soo mara Man United waa in aad ogaato waxa aad ka hadlayso”.

“Hadii uu ahaan lahaa Van der saar, Schmeichel ama de Gea waan dhamaysan lahaa laakiin Onana waa midkii ugu xumaa taariikhda”