Ancelotti Oo Shaaciyay Qaabka Ay Kooxdiisu U Ciyaari Doonto Kulanka Man City.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay qorsheyneyso inay habeenka Arbacada ku wajahdo kulanka lugta labaad ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Manchester City si la mid ah tii hore.

Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo 3/2 ku badisay kulankii lugtii hore ee ka dhacay Etihad Stadium isbuucii hore, waxaana loo arkaa inay ugu cadcad yihiin inay soo baxaan madaama ay haatan faa’iido gurigooda ku leeyihiin lugta labaad ee muhiimka ah.

Marka la eego qorshaha Iyo qaab iyaareedka, Ancelotti ayaan ka weecan doonin sidii uu u ciyaaray kulankii lugta hore.

“Waxay noqon doontaa kulan madadaalo leh oo adag, waxaan isku dayi doonaa inaan si fiican u diyaargarowno, oo aan soo kabsano ciyaartoyda na caawin kara,”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ciyaarno ciyaar la mid ah tii usbuucii hore, fikradda waa sidaan laakiin iyadoo ay adag tahay kulankaan oo kale wareega bug baxa ah oo aan wax walba ku ciyaareyno 90 daqiiqo.”