Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ku adkaystay ineeysan saameyn ku yeelan hadal-heynta ku saabsan mustaqbalkiisa, inkasta oo kooxdiisu wajahday guuldarro kale oo dhaawac leh.
“Shaqadeyda weligay kama walwalo – ma ihi nin noocaas ah,” ayuu Amorim u sheegay BBC Match of the Day.
“Go’aanka aniga iguma xirno. Waxa aan sameyn doonaa waxa ugu wanaagsan ee aan karo inta daqiiqad ee aan halkan joogo.”
Tan iyo markii Amorim uu yimid Old Trafford dayrtii hore, Manchester United waxa ay uruursatay 34 dhibcood 33 kulan oo Premier League ah.
Xilli ciyaareedkii hore waxa ay ku dhammaysteen kaalinta 15-aad, waxaana sidoo kale ay ku jiraan qeybta hoose ee kala sarreynta lix kulan kadib xilli ciyaareedkan cusub.