Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Karim Benzema durba wuu ka faa’iiday u guurista waddanka Sucuudiga ee uu toddobaad ka hor qoyskiisa u raray markii uu heshiis lacag badan uu ku helayo u saxeexay kooxda Al Ittihad, taas oo uu sannadkii mushahar uga qaadanayo in ka badan 200 milyan oo Euro.
Adduunyadu macno ma leh, waxaana ka muhiimsan iimaanka iyo Islaamnimada, taasna waa uu ka helay Karim Benzema oo ah ciyaartoy Muslim ah oo si joogto ah uga badheedhi jiray Islaamnimadiisa.
Benzema ayaa waxa markii uu Sucuudiga u guuray uu markiiba ku guuleystay in xaaskiisa Jordan Ozuna ay Islaamto oo ay diinta Islaamka qaadato, waxaana loo qabtay SHAHAADADA.
Ozuna oo ah hooyada dhashay canugga afraad ee Karim Benzema uu dhalay, ayaa saxaafadda u sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka, kaddib markii ay akhriday qur’aanka oo qalbigeeda ku duxay.
Qofkii uu Allah hanuuninayo ayaa hanuunsama e, Jordan Ozuna oo ah quruxlay Maraykan ah, waxa SHAHAADADA loogu qabtay masaajid ku yaalla magaalada Madrid, ka hor inta aanay sida rasmiga ah ugu guurin magaalada Riyadh.
“Waxa aan qaatay Diinta Islaamka, waxa aan ku sugnaa [markii ay Diinta Islaamka qaadanaysay] masaajid ku yaalla Madrid. Waxay akhriyeen Qur’aanka… waxay ahayd xaflad yar oo qarsoodi ah. Waxa aan u ooyey sidii gabadh yar, aad ayaanan u dareemay u dareemay.” Ayey tidhi Jordan Ozuna.
Xaaska Karim Benzema oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi: “Waxa aan cilmi-baadhis ku sameeyey Diintan, waxanaan helay inay tahay mid qurux badan. Wax kasta oo aan ka akhriyey way isoo jiiteen. Intii lagu jiray bisha Ramadaan, waxa aan akhriyi jiray Qur’aanka, mar walbana oo aan akhriyayana waan ooyi jiray. Waxa aan sidoo kale akhriyey sida ay Diinta Islaamku u xurmaysay dadka Kiristaanka ah ee soo Islaama, sidayda oo kale. Run ahaantii Kitaabka Qur’aanku waa mid qiimo badan.”
Jimcihii ayay Karim Benzema iyo xaaskiisu soo booqdeen meelo ka mid ah waddanka Sucuudiga, waxaana Ozuna oo ka sheekaynaysa ay tidhi: “Isla Jimcahan ayaanu u safaranay meelo [gudaha Sucuudiga], run ahaantiina waxa aanu ka helnay oo aanu baranay dhaqanka iyo cuntada.”
Ozuna oo ku dhalatay Maryland, USA, ayaa la weydiiyey sida uu noqon doono labbiskeedu maadaama waddanka Sucuudiga ay dumarka Islaamka ah xijaaban yihiin, waxaanay ku jawaabay: “Aniga wax dhibaato ah iguma noqonaysao. Waa dhaqan qaali ah oo aan ka helay.”