(England) 03 Agoosto 2020. Goolhaayaha kooxda Liverpool ee Andy Lonergan ayaa ku tilmaamay Alisson Becker inuu yahay kan adduunka ugu fiican.
Goolhaayaha reer Brazil ee Alisson Becker ayaa ka caawiyay kooxdiisa Liverpool inay ku guuleysato koobka Premier League xilli ciyaareedka 2019/2020, kaddib markii uu ku guuleystay inuu shabaqiisa oo nadiif ah ilaashado 13 kulan horyaalka ah.
Andy Lonergan ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Liverpool Echo” ee dalka England wuxuu ku sheegay:
“Qof walba ma uusan fiicneyn xilli ciyaareedka oo dhan, dhawaanahan afarta goolhaye iyo goolhaayan koowaad ee kooxda, si wadajir ah ayey tababarka u sameynayeen”.
“Waa wax iska caadi ah in dadku ay dhahaan (Goolhayaha waxba ma uusan qaban), laakiin Alisson wuxuu qabtay shaqo fiican”.
“Waxa ugu adag ee goolhayaha ayaa ah inuusan waxba qabanin, laakiin Alisson Becker waa goolhaayaha ugu wanaagsan adduunka”.
Waxaa xusid mudan in Alisson Becker oo 27 jir ah uu ku biiray kooxda Liverpool xagaagii 2018, wuxuuna kaga soo biiray naadiga reer Talyaani ee Roma adduun dhan 67 million pounds.
Gool FM.