Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Al-Hilal ee dalka Sacuudiga ayaa u qabatay kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, hal toddobaad si uu uga jawaabo dalabkooda uu ugu biirayo horyaalka Sacuudiga. Sida laga soo xigtay warbixin uu qoray Daily Mail, kooxda reer Riyadh waxay hore u siisay wakiilada Fernandes 72 saacadood si ay uga jawaabaan dalabkooda ugu dambeeya oo ah mid “qaado ama iska dhaaf”, kaasoo la sheegay inuu qiimihiisu yahay £200 milyan saddex sano gudahood.
Wakiilka Fernandes, Miguel Pinho, ayaa dhowr maalmood ku sugnaa Sacuudiga isagoo la shiraya madaxda kooxda Al-Hilal kana baaraandegaya xaaladda kooxda, shirarkana waxaa lagu qabtay hotelka Four Seasons ee Riyadh. Waqtiga kala duwanaanta awgeed ayaa sababay dib u dhac, maadaama Fernandes uu safar dhamaadka xilli-ciyaareedka kula jiray Manchester United oo kusoo dhammaaday Hong Kong.
Al-Hilal waxay doonayaan saxiix caan ah ka hor Koobka Adduunka ee Kooxaha bisha soo socota waxayna rabaan in Fernandes la diiwaan geliyo si uu uga qeyb galo tartankaas. Haddii uu aqbalo, Al-Hilal waxay diyaar u yihiin inay siiyaan £65 milyan sanadkii iyo dalab rasmi ah oo £100 milyan ah oo loo gudbin doono Manchester United.